Awoodda Sheeko Sheegista Xogta
Xogwarran - waa habraac laysugu dhafo saddex shay: xog, xogsawir iyo tebin si loo gudbiyo fahan ama aragti
“Waxaan nahay, sinji ahaan, kuwo qabatimay sheekada. Xitaa marku jirku seexdo, maskaxdu habeenkii oo dhan way soo jeeddaa, iyada oo isu sheegta sheekooyin.”
― Jonathan Gottschall
Sheeko waa dhacdooyin taxane ah oo isku xiran, loona daaddihiyey qaab ku habboon in la hanto dareenka aqristaha laguna reebo raad waara1. Qoraaga Yuval Noah Harari, wuxu buugiisa caanka ah, Sapiens: A Brief History of Humankind, ku caddeye in sheeko sheegistu ay tahay halka shay ee loo aanayn karo in aadmigu kaga badbaaday halisyo ina dabar goyn laha.
Laga soo bilaabo ababinta ilmaha, sheeka sheegistu waxay udub dhexaad u ahayd welina u tahay waxbarida, wargelinta, gubinta afkaaraha, murtida iyo madadaalada. Dhanka saxaafadduna, xeeladaha sheeko sheegista waxa loo adeegsada in si xiiso leh, fudud oo la fahmi karo loo tebiyo xog kakan sida kuwa arimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasada.
Saxaafadda xogta, faraca warbahineed ee boggan u ololeeyo, waa barta ay ku kulmaan fanka sheeko sheegista iyo farsamada xogta. Inta aanan horey usii gudbin, aan macnayno jumlada gaaban ee aan ila hadda isticmaalayne waa - sheeko sheegista xogta. Fikradan waxaan ku turjumay hal erey oo ah xogwarran - waa habraac laysugu dhafo saddex shay: xog, xogsawir iyo tebin si loo gudbiyo fahan ama aragti.
Maanta waxaynu ku noolnahay sebenki xogta2. In kasto dalkeenu u xogta faqri ka yahay, dunida inteeda kale waxaa harqiyay, hodana ka yihiin xogta. Xogta waxaa lagu tilmaama hantida ugu qiimaha badan, ama “shidaalka cusub” ee casrigan, waana sababta shirkadaha ugu qanisan caalamka maanta ay xogta uga ganacsadaan.
Xogtu waxay wax weyn ka bedeshay hanaanka helida, soosaarista iyo tebinta wararka. Falanqaynta xogta waxay saxaafaddu u adeegsataa in daaha laga rogo xiriiro aanan horey loo ogayn iyo sheekooyin qarsoonaa. Sheekooyin toosh ku ifiya musuqa, eexda iyo cadaalad darida, sheekooyin cod siiya kuwa aan codka lahayn.
Sida awgeed, suxufiga isku darsada afmaalnimo iyo xirfada xogta wuxu leeyahay awood gaar ah. Awood u uga mira-dhalin karo xogta. Awood u ku samayn karo sheeko-wareedyo xog lagu laray, waxtar iyo saamayn wayna leh. Sheeko-wareedyo dhisi kara wacyiga iyo fahanka bulshadiisa, kuna haga go’aano xog ogaal ah.
Qaybtan dambe waxaan ku eegi doonaa seddex xogwarran tusaale u ah shaqada saxaafadda xogta. Gaar ahaan, qaabka ay warbaahintu u adeegsato farsamada xogta, qaabka ay u sameyaan baaritaano qoto leh, sida ay fahan iyo sharaxaad caddaymo adag wato uga bixiyaan arimo kakan.
Tusaalaha 1aad - Xogwarranka Caabuqa Korona3
Marku dillaacay caabuqa COVID-19 ee hakad geliye caalamka, warbaahintana waxay wajahday tajriibo taariqi ah. Side shacabka guriyaha ku xayiran ee walaacsan loogu gudbin kara xog iyo warar lagu kalsoonaan karo.
Xogta cudurkan safmarka ah ayaa waxay inta badan ahayd tirooyin: tirada xanuunka haleeley, tirada isbitaalka la seexiye, inta dhimatay, bogsatay, la talaalay, saamaynta dhaqaale, iwm.
Suxufiyiin, cilmi-baareyaal, mihnadlaayasha caafimaadka iyo xirfadleyaal kale ayaa si joogta ah maalin walbo isaga kaashanaaye uruurinta iyo tebinta xogta caabuqa si shacabka loo gaarsiyo xog sax oo ka tarjumaysa heerarka qatarta cudurkan.
Sidoo kale, waxay warbaahintu dhiseen bogag si toos ah daqiiqad walbo lagu tebiyo xogta qaab xogsawir ah. Malaayiin aqristeyaal ah ayaa maalin walbo booqanaaye bogaggan, iyadoo ay tani caddeysay in xogta iyo shaxaha ay ruux gelin karaan wararka. Saxafadda xogta waxay hanatay kalsoonida aqristeyaashada, waxayna ka gudubtay tajriibo taariqi ah.
In kasto ay jireen caqabado, wartebinta xogta koronaha ee saxaafadda Soomaaliyeed ma noqon sidi la rabay mid si xilkasnimo ah shacabka uga haqab tira baahida wareed. Nasiib-daro, waxa lagala kulmay habqan iyo marin habaabin sababtay in shacabka ay iska indha tiraan fariimaha iyo talooyinka saraakiisha caafimaadka.
Tusaalaha 2aad - Xogwarranka Ogow Magacyadooda4
Tusaalahan wuxu ku saabsan yahay xog tebinta shabakada Al Jazeera ee dagaalka Israa’iil ku gumadayso shacabka ku nool marinka Qaza.
Sheekada aan soo qaadanayno waxaa la yiraahda Ogow Magacyadooda - waa xogta 6,747 qof oo ay Israa’iil ay ku dishay marinka Qaza intii u dhaxaysay Oktoobar 7 ila 25, 2023.
Xogsawirka wuxu muujinaaya liiska magacyada, da’da dadki dhintay iyo inta sano ee nolosha la dhaafiye marka loo eego celceliska cimri dhererkooda (qiyaas ahaan inta sano ay si noolaan lahayeen hadaan la dilin). Xogta ayaa sidoo kale waxa lagu iftiimiye tirada qoysaska reer falastiin ee dhibtaada soo gaartay, gaar ahaan kuwa dhowr xubnood ku waayey gumaadka Israa’iil.
Barnaamijkan wuxu tusaale u yahay awoodda sheeko sheegista xogta oo ah in la muujiyo aadminimida shacabka reer Falasteen oo in badan wajahaaye dulmi iyo xasuuq.
Xog tebinta Al Jazeera waxay sidoo kale toosh wayn ku ifisay indhaha caalamkana kusoo jiiday isir sifaynta ay Israa’l ka wado Qaza waxayna qasabtay doodo calami iyo in la helo isla xisaabtan.
Tusalaaheena 3aad - Xogwarranka Waraqaha Banama5
Kiiskan wuxu ku saabsan yahay dabagal heer caalami oo loogu magac daray Waraqaha Banama (Panama Papers). Baaristan oo ku salaysnayd xog aad u ballaaran oo laga soo dusiyey shirkad sharci, Mossack Fonseca, oo fadhigeedu yahay dalka Banama, aya waxay daaha ka rogay nidaamyada maaliyadeed ee qarsoon inta badana loo isticmaalo sharci darada sida in laga dhuumalaysto canshuuraha.
Shirkaddani waxay iibin jirtay shirkado qalfoof ah oo lahaanshiyahoodu qarsoon yahay lagana diiwan geliye dal aanan ahayn kan mulkiiluhu degan yahay canshuurtisuna aad u yar tahay.
Galka barista kiiskan oo ay ku jirtay xog gaaraysa ila 2.6 TB kana kooban 11.5 milyan dukumeentiyo ayaa galaaftay siyaasiyiin, maalqabeeno, burcad iyo shaqsiyaad caan oo kasoo kala jeeda in ka badan 200 oo wadan.
Dabagalkani waxa isku hor gudbay labo caqabad: nooca iyo baaxada xogta. Dhanka baaxada, xogta waxay noqotay ti ugu badnayd ee abid lasoo dusiyey, waxayna ka gudubtay heerki uu hal qof ama hal warbaahin wax uga qaban lahaa.
Sidoo kale, xogtu waxay ahayd mid aan qaabaysnayn (unstructured), oo waxay ka koobnayd iimaylo, qoraalo, qandaraasyo, sawiro, iyo noocyo kala duwan oo dukumeentiyo ah. Iska daa in qof wax kasoo saare, xogta noocani ah ma sahlano xitaa in kombuyuutar lagu falanqeeyo.
Dabagalkan wuxu ifafaale u yahay mustaqbalka ay ku hiranayso saxaafadda. Tusaale ahaan, sida ay lagama maarmaan tahay u cilmiga iyo aaladaha xogta si loo soo saaro sheekooyinka ku duugan xogaha baaxadda wayn ee waayadan dambe helitaankoodu isa soo taraayo.
Sidoo kale, iskaashiga iyo xog wadaagista waa lamahuraan. Dabagalkan waxaa ka qayb qaatay wax ku dhow 400 oo suxufi oo ka kala socday daafaha caalamka.
Dabagalkan Waraqaha Banama oo saamayntiisa lagu tilmaamay sida dhul-gariir wuxuu shaaca ka qaaday faldambi maaliyadeed baahsan: xatooyo, canshuur lunsasho, lacag dhaqis iyo qiyaano qarsoonayd.
Baaritankan waxaa ku dumay dowlado, waxaa xilka looga xayuubiyay laguna xiray siyaasiyiin. Dalalka ay saamaysay baaristan waxay dib usoo celiyeen in ka badan $1.36 bilyan oo ah canshuuro aan la bixin iyo ganaax isugu jirto.
Kiiskan wuxu horseed u yahay isbedelka habraacyada warbahineed, qaasatan kuwa dabagallada xogta, oo ay suuragelisay saxaafadda xogta.
Kwan-Liu Ma, I. Liao, J. Frazier, H. Hauser, and H.-N Kostis. 2012. “Scientific storytelling using visualization.” IEEE Computer Graphics and Applications 32 (1): 12–19.
Halkan kasii aqriso - Saciid Shire. 2014. “Sebenkii Xogta.” https://www.academia.edu/7692283/Dhambaal_Sebenkii_Xogta
Mahmoud Barakat. 2021. COVID-19: A lesson of data journalism significance for Arab world https://institute.aljazeera.net/en/ajr/article/1526
Mohammed Haddad, Mohammed Hussein and Konstantinos Antonopoulos. 2023. Know their names - The thousands of Palestinians killed in Israeli attacks on Gaza https://www.aljazeera.com/news/longform/2023/11/1/know-their-names-palestinians-killed-in-israeli-attacks-on-gaza
Luke Harding. 2016. What are the Panama Papers? A guide to history's biggest data leak. https://www.theguardian.com/news/2016/apr/03/what-you-need-to-know-about-the-panama-papers
Mahadsanid macallimuu.
Ustaad, aad baan uga helay habdhigaalka qoramaada iyo ciwaanka aad xulatay ee “Awoodda Sheeko Sheegista Xogta”.
Wuxuu iga idlaaday anigana oo u sii bogaya qoramadaan muhiim ka ah iyo tusaalooyinka aad u soo qaadatay.
Waxaan aad uga helay sida aad uga hadashay tusaalaha seddexaad, xogwaranka warqadaha Waraqaha Banama. Wuxuu noqday baarintaan heer caalami ah oo sawir cajiib ah ka bixiyay mustaqbalka saxaafadda.
Runtii warbaahinta Soomaalida wey ka arradantahay sheeko sheegista iyo farsamada xogta iyada oo la joogo qarnigaan oo lagu tilmaamo ( Information Age), da’da xogta.
Waxaan rajeynayaa in aan wax badan ka baran-doono, adigana aad nagu hagi-doonto Insha-Allaah.