Qaybta 2aad - Su’aalo Weydi Xogta
Habka ugu fudud ee aad ku baran kartid curinta su’aalaha xogta waa in aad dabbaqdid lixda su’aal saxaafadeed (5Ws and H).
"Fanka iyo sayniska weydiinta su’aalaha waa isha aqoon oo idil."
― Thomas Berger
Malaha xirfadda ugu waxtarka badan dhanka warbaahinta waa wareysi qaadista. Wareysiyadu waa halbowaha wararka, waxay udub dhexaad u yihiin dhismaha sheeko-wareedyada, waa isha ugu muhiimsan ee macluumaadka lagu soo uruuriyo.
Ma sahlana in la curiyo su’aalo dulucda abbaara, su’aalo bannaanka keeni kara xaqiiqada waxna laga baran karo. Sida xirfad kasta, suxufiga xogta waa inuu isku hawlaa barashada xirfadda xog wareysiga. Inaad la qabsatid xirfaddan waxay kaaga baahan tahay waqti, faro ku hayn joogta ah iyo inaad mar kasta u diyaar garowdid.
Si la mid ah marka u qof waraysanaayo, suxufiga xogta waa inuu u diyaar garoobaa wareysiga xogta. Waa inuu baaritaan ku sameeyo mowduuca, marxaladda, asalka xogta, ujeedka iyo cidda soo uruurisay, suaalaha ku habboon iyo kuwa aanan ku habboonayn.
Sifooyinka Su’aalaha Xogta
Aan halkan ku eegno qaar ka mid ah sifooyinka ay leeyihiin su’aalaha xogta ku habboon, si aad u garatid kuwa saxda ah.
Si guud, saxaafaddu waxay su’aalaha u kala saarta labo: su’aal furan iyo su’aal xiran. Ujeedada su’aalaha furan waa in helo faahfaahin, sharaxaad, ra’yi iyo dareen ka hadal. Su’aalaha xirana waxaa la raba kaliya hal jawaab oo sugan, sida tiro go’an, haa iyo maya, iwm.
Sidaas daraddeed, sifada koowaad waa in suaasha xogta la wareysanaayo ay tahay mid xiran. Qaabka su’aasha loo dhigaayo waxaa shardi ah in ay tahay mid caddad ama tiro ahaan looga jawaabi karo.
Sifada labaad waa in su’aashu laga jawaabi karo. In kasto ay su’aalaha qaarkood xiiso badan yihiin haddana nasiib darro xog ahaan loogama jawaabi karo. Su’aalaha noocani waxaa ka mid kuwa ku saabsan arrimaha falsafadda, sida macnaha nolosha, iwm.
Sidoo kale, su’aashu waa inay tahay mid macquul ah marka loo eego xogta, waa in su’aasha xogta laga filan karo, waa inay ku qotonta ama la halmaasha xogta. Su’aashu waa in jawaabteedu xogta laga dhex heli karo. Haddii aysan jawaabtu ku filnayn xogta aad haysid, waxaad u baahan tahay inaad raadisid oo aad ku dabaqdid xog dheeraad.
Sifada saddexaad waa su’aashu inay tahay mid xiiso gelinaysa waxtarna u leh akhristaha. Haddii aad rabtid inaad qorto xog-warran soo jiita akhristayaasha kugu xiran, waa in aad tixgelisa su’aalaha iyo xogta ay ugu baahi badan yihiin.
Sifada afaraad waa in su’aashu tahay mid cad, kooban, toosna u abbaaraysa dulucda. Su’aal guud oo aan si cad loo qeexin, waxay leedahay jawaab guud oo dhan walba u dhici karta.
Tusaale su’aal guud: Maxay tahay isbeddellada ku dhacay miisaaniyadda qaranka tobankii sano ee lasoo dhaafay?
Su’aashan waxay u baahan tahay in la sii turxaan bixiyo, la caddeeyo, la soo koobo, hadii kale waxaad ku wareeraysa halkaad ka billaabi lahayd.
Si aad u sii tifaftirtid su’aasha, kaladhig-dhig oo macne ereyada su’aasha qaybta ka ah. Maxaa loola jeeda isbeddel, ama isbeddel dhankee ah - ma mid ku saabsan qayb, dakhli, qoondadada, mise mid ku saabsan wasaarad gooni ah sida waxbarashada. Sidoo kale, tobanka sano ee la rabo intee laga soo billaabayaa intay se ku egtahay.
Tifaftirkan waxaa ka dhalanaayo hal su’aal oo sifaysan, su’aal kama dambays ah, sida:
Siday isu beddeshay qoondada wasaaradda waxbarashada ee miisaaniyada qaranka 2010 ilaa 2020?
Lixda Su’aal Saxaafadeed iyo Xogta
Hadaad joogtaysid curinta su’aalaha xogta, xirfaddan waxay durba ku noqonaysa mid fudud.
Qaabka ugu fudud ee aad ku baran kartid curinta su’aalaha xogta waa in aad dabbaqdid lixda su’aal saxaafadeed (5Ws and H): Yaa, Maxay, Hadmaa, Halkee, Waayo, iyo Habkee.
Lixdan su’aal, oo ah kuwo suxufi walbo u sii fiican u yaqaanno iyo xogtusaha haddaad isku heshid waxaad haysataa agab dhammaystiran oo kaa caawinaaya in aad:
xogta tilmaan buuxda ka bixisid,
wax tirisid, soo saartid inta shey ee wax kooban tahay ama inta jeer ay wax dhaceen,
xisaabisid wadarta, celceliska, iyo dhowr barxog
xisaabisid caddadka ugu weyn iyo kan ugu yar,
sharraxaad ka bixisid jahada isbeddelka iyo isbeddelka waqtigu ku yimid.
Xogtan miisaaniyadda waa mid si joogta ah loo helo, mar ama labo jeer sanad kasta. Waxaa jiro su’aalo caam ah oo ay dadku ka warsugayaan. Suxufiga wuxuu su’aalahan u adeegsan kara inuu ka warbixiyo: waxaa ku jiro xogta miisaaniyadda, waxa ku cusub ee kusoo kordhay ama iska beddeley tan iyo sii dayntii hore.
Tusaale ahaan, waxaan weyddiin karnaa xogtan sua’aalahan soo socda:
Yaa loo qoondeeye kharashaadkii ugu badnaa ama ugu yaraa sanadkan 2024?
Koror iyo hoos-u-dhac: Maxaa iska beddeley qoondada miisaaniyadda 2024 marka la barbardhigo sannadki hore? Yay wax u kordheen, yaa wax laga dhimay?
Halkee (ilaha) buu dakhliga ugu badan kasoo galaa dawladda?
Boqolkiiba wax intee la eg miisaaniyadda baa ah deeq iyo kab ka imaaneysa deeq-bixiyeyaasha caalamka?
Boqolkiiba kharash intee la eg ayay hay’adaha dawladda u qoondeeyeen safarrada iyo shirarka?
Suaalahan waxaa ka dhalanaayo dhawr barxog, ama jawaabo aad ku dul-dhisi kartid sheeko macna leh.
La soco casharka kan xiga oo aan ku eegi doonaa qaabka aad su’aalahaan xogta u weydiin kartid.